Home Afsomali Dowladda oo sheegtay in Al-Shabaab dagaal looga dilay 200 oo Xubnood

Dowladda oo sheegtay in Al-Shabaab dagaal looga dilay 200 oo Xubnood

Dagaal saacado badan qaatay ayaa ka dhacay  degaanka Ceel-hareeri oo ku yaalla xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, halkaas oo ay weerareen fariisin ay Al-Shabaab kuleeyihiin Ciidamada dowladda & dadka degaanka.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Xds ee Danab G/le Axmed Cabdulaahi Beeryare ayaa Warbaahinta Ciidamada qalabka sida u sheegay in dagaalka ay barbar socdeen duqeymo dhinaca cirka ah, isla markaana lagu dilay 200 oo Xubnood.

Wuxuu sheegay in Ciidanka DANAB oo kaashanaya dadka degaanka ay howlgalka siwadajir sh u fuliyeen, isla markaana degaano dhowr ah oo u dhow degaanka Ceel-hareeri ay Ciidamada la wareegeen.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay bur buriyeen saldhigyo ay Gobolka Hiiraan kaga sugnaayeen ayna sii wadi doonaan howlgallada ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saaratyo guud ahaan ďalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.