Home Afsomali Dowladnimada Maqaal uu ka qorey Dr. Saadiq Enowu

Dowladnimada Maqaal uu ka qorey Dr. Saadiq Enowu

Mar-kasta oo aan siyaasadda qoraal ka sameeyo, waxaa caqligeyga jiita isu-dhigan dowladda wanaagsan iyo dowladda xun. Markay sidaas tahay, Soomaaliya dowladda inoo dhisan layskuma hayo in ay tahay dowlad xun oo aanan magic iyo maamuus ku lahayn dunida. Madax badan ayaa tusaale u soo qaata in bulshadeenu ay tahay bulsho fashilan. Idinkuna waad la qabtaan sidaan filayo. Laakiin fashilaaddaas maahan mid sababteedu ay dad-waynuhu leeyihiin. Bal waxaa leh siyaasiga hor-taagan oo ku matalaya dowladda dhexe. Waayo awooddii dowladeed iyo haybaddii wax lagu hagaajin lahaa waxay taal Villa Soomaaliya. Cid sixi-karta wixii halkaas ka khaldama ma-jirto. Bal awoodda iyo haybadda halkaas taal waxaa lagu sixi karaa khaladka yaal gobollada oo dhan. Arintaas oo ah midda loo igmaday, ayaa waxay suurageleysaa goortii Villadu ay iyada isa-saxdo. Saxidda ugu horeeyana waxay tahay in awoodda dowladnimo iyo taladeeda dadka lala-wadaago.
Miisaanka isu-dhiganta wanaagga iyo xumaanta maahan mid lagu heshiis yahay. Wax adiga kula wanaagsan ayaa qof la xun. Ka soo-horjeedkeedana waa dhacdaa oo fahamka nolosha ayaa lagu kala duwan yahay. Haddaba si miisaanka aanu isula helno, waxaan idiin soo gudbinayaa isu-dhigan la xiriirta farqiga u dhexeeya dwolad-wanaagga iyo dowlad-xumaanta:
Dowladda wanaagsan: sharciga ayaa sareeya
Dowladda xun: madaxda ayaa sareysa
Dowladda wanaagsan: danyarta ayaa ku noolaata
Dowladda xun: geed-joogaha ayaa ku naaxa
Dowladda wanaagsan: si hufan ayay isu-doortaan
Dowladda xun: laaluush ayay isku doortaan
Dowladda wanaagsan: hoggaanka waa lagu raagaa
Dowladda xun: hoggaanka waa la beddelaa
Dowladda wanaagsan: dadkeeda runta ayay u sheegta
Dowladda xun: dadkeeda been ayay ku maaweelisaa
Dowladda wanaagsan: waxay oggoshahay isla-xisaabta
Dowladda xun: ma-oggola in lala xisaabtamo
Dowladda wanaagsan: waxay ku jirtaa xaalad xasilloon
Dowladda xun: waxay ku jirtaa degganaansho-la’aan
Dowladda wanaagsan: waxay ku shaqaysaa daah-furnaa
Dowladda xun: waxay ku shaqaysaa laaluush
Dowladda wanaagsan: hoggaan danaysta ayay leedahay
Dowladda xun: hoggaan u daneeya ayay leedahay
Dowladda wanaagsan: hannaankeedu waa talo-wadaag
Dowladda xun: hannaankeedu waa keli-talis
Dowladda wanaagsan: waxay leedahay maamul caadil ah
Dowladda xun: waxay leedahay maamul leysku dulmiyo
Dowladda wanaagsan: hor u-mar muuqda ayay ku tallaabsataa
Dowladda xun: waa fadhiid aanan tallaabo qaadi-karin
Dowladda wanaagsan: shaqada mu’asasaadkeedu waa sareeyaa
Dowladda xun: shaqada mu’asasaadkeedu waa hooseeyaa
Dowladda wanaagsan: waxay ka shaqeysaa in dadkeedu walaaloobo
Dowladda xun: waxay ka shaqeysaa in dadku colloobo
Dowladda wanaagsan: dadku awoodda dowladda waa u siman yahay
Dowladda xun: dadku awoodda dowladda ayuu ku kala xooggan yahay
Dowladda wanaagsan: waxay xulataa dad karti iyo hufnaan ku shaqeeya
Dowladda xun: waxay xulataa dad khiyaano iyo caajis ku shaqeeya
Dowladda wanaagsan: anshaxeeda masuuliyadeed waa ku xooggan yahay
Dowladda xun: anshaxeeda masuuliyadeed waa daciif
Dowladda wanaagsan: cashuurta ay qaadato dadka ayay wax ugu qabataa
Dowladda xun: cashuurta ay qaadato madaxda ayay wax ugu qabataa
Dowladda wanaagsan: waxay ka fekertaa dhaqaale ku dhisan wax soo-saar
Dowladda xun: waxay ka fekertaa dhaqaale ku dhisan deeq dowlado bixiyeen
Dowladda wanaagsan: dhismaheeda waxaa ka qayb-qaata dad-waynaha dhamaan
Dowladda xun: dhismaheeda waxaa ka qayb-qaata koox kamid ah dad-waynaha
Dowladda wanaagsan: waxaa u shaqeeya dad xilka loogu dhiibey aqoon iyo khibrad
Dowladda xun: waxaa u shaqeeya dad xilka loogu dhiibey eex iyo hayb
Dowladda wanaagsan: waxaan dhinaceeda laga waayin xikmad-yahanno tusaaleeya
Dowladda xun: waxaan dhinaceeda laga waayin fannaaniin u heesa
Dowladda wanaagsan: waxay bulshada ku hayaamisaa meel dad-waynaha u dan ah
Dowladda xun: waxay bulshada ku hayaamisaa meel madaxda u dan ah
Dowladda wanaagsan: waxay leedahay dowlado saaxiibo ah oo kalsooni ay ka dhexeyso
Dowladda xun: waxay leedahay dowlado saaxiibo ah oo ay dalka ka iibiso
Dowladda wanaagsan: waxay leedahay astaamaha hoggaameed oo tawaaduca iyo dad ururinta ay ugu horeyso
Dowladda xun: waxay leedahay astaamaha hoggaameed oo isla-waynida iyo hayb-soocu uu ugu horeeyo
Qore: Dr. Saadiq Enow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.