Mudadii uu Talada maamulka yahuuda uu haayey Benjimintanyaahu waxaa ay Dadka Reer Falastiin u ahayd Sanado muraga iyo Ciilbadan waxaa uu diley 3,500 oo Reer Falastiin ah Tan iyo 2009. Xeligaasi oo Natanyaahu uu Noqday R/wasaaraha Yahuudda.
Israaiil waxaa ay iyana dagaaladaasi ay kuweydey 799 Qof oo 342 kamid ah ay Dumaryihiin labadii Dagaal ee ugu Xumaa oo soo mara Reer Falastiin iyo Yahuuda Gardarada badan. waxaan Israaiil ay kayaabtey Geesinimada Mujaahidiinta Kujirey Safka hore ee Dagaalka.
Labadii weerar ee ugu Xumaaa ee dhacay 13 Sanno ee la soo dhaafey waxaa ay kala ahaayeen kii dhacay 2012 kii iyo kii ku xigey oo dhacay Laba Sano kadib 2014kii labadaani
Dagaal waxaa ku geeriyooday Dad badan, magaalada Gaza oo kalia ayaa waxaa ku
dhintey 167 Qof halka dhaawacuna uu intaa kabadan yahay. waxaan kamid ah Dowlado Muslimiin ah oo uu suuragaliyey in Yahuudu ay Sidaa Shacabka u gumaado, waxaan kamid ah Masar, Sucuudiga, Imaaraadka iyokuwo kale.
8 Bishii July 2014 waxaa dhacay Dagaal aad u
qaraar oo u dhexeeya Shacabka Xaq u dirarka ah iyo Yahuuda gardarada badan waxaan Israaiil ay isku deydey in gebi ahaamba ay Tirtirto Reer Falasyiin lkn midaasi ma dhicin.الحمدلله
Tusaale 2014kii Ciidamada Yahuuda waxaa ay qaadeen 6, 000 oo weerar oo ah dhinaca Cirka iyo 50,000 oo weerar oo ay qaadeen Taagiyada Ciidamada Yahuuda muddo 50 Maalin ah oo ay Dagaalo qaraar ay isaga horyimaadeen Mujaahidiinta Reer Falastiin iyo Yahuuda.
Dagaalkaasi waxaa ku shahiiday 2, 251 Qof oo Falatiiniyiin ah 11,000 oo kale ayaa ku dhaawacmey Tirada dhimashada aan kor ku soo xusney 551 waxaa ay ahaayeen Caruur, 299 waxaa ay ahaayeen Dumar halka 1,500 oo Caruur ahna ay ku Agoontobeen.
Waxaa ku Burburey 28,366 Guri 3,329 kamid ah waxaa ay ku dumeen Duqeymihii ay geeysaneyeen Diyaaradaha Yahuuda 23,445 Guryahaasi kamid ah waxaa ay ahaayeen Dabaqyo. waxaa soo dhibaato ah Caalamka in dha oo qura ayuu ka daawaneyey. (Aawey Xuquuqul insaankii ay nagu wareeriyeen?)
Mudadaasi waxaa ku Barakacay 65,000 oo ah Shacabka Dulman ee Reer Falastiin meelaha sida aadka ah Yahuudu ay u Burburisey waxaa kamid ah Magaalada Qasa ee Dhulka Reer Falatiin. Waxaana Xasuuqaas looga yeeraa Xasuuqii Caalamka uu Daawaneyey ama (Massacre Before Eyes of the World).
Maanta oo aan mareyneyo 2020 Qaar kamid ah Dalalkii Muslimiinta Madaxdoodii ayaa Dhulkii Muslimiinta gaar ahaan Falastiin waxaa ay kubixiyeen Garasho midii ugu liudatay iyaga oo ku raaligalineya Mareykanka. Kuwo kale oo ay Sucuudiga kamid tahayna hadda ayey qorsheyneyaan Aqoonsiga Israaiil.
W/Q: Wariye; C/wahaab, Aadan, C/raxmaan.