Home Afsomali Duqa Muqdisho oo ku biiray aqyaarta dadaalka ugu jirta in Garasaaley noqoto...

Duqa Muqdisho oo ku biiray aqyaarta dadaalka ugu jirta in Garasaaley noqoto dagmada 18aad halka gubtana aan sugeyno

Garasbaaley Gubta Ceelmacaan Daarasalaam ceelasha Biyaha dagmooyin ha loo magacaabo Xamar waa in laga dhigaa in ka badan 30 dagmo

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow), Guddoomiye Ku-Xigeennadda Amniga iyo Siyaasadda, Howlaha Guud iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa afur wadareed la qaatay shacabka deegaanka Garasbaaleey ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa si qarsoodi ah ku tagay Deegaan Ka tirsan Degmada Dayniilee ee Garasbaaleey asigoo aysan lasocon Gudoomiyaha Degnada Dayniile Abdiwali iyo Ku xigeenadiisa Booqashadaan ayaa loo fahmi karaa mid uu ugu ololaleenayo In ay Garasbaaley loo aqoonsado Degmo ka tirsan Gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Ayaa hadal Qeexi karo in uu Si Cad u doonayo in ay degmo noqoto Garasbaaleey yiri.. Waxaan aad ugu faraxsanahay  shacabka dagan halkaan iyo odayaasha deegaanka Garasbaaleey sida deegaanku u noqday  mid Horumaray lana tartamaayo degmooyinka kale waxaan xoojin doona sida aad ku heli laheydeen Horumarka aad hiigsaneysaan.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa meel ka dhac ku ah degmada Deyniile iyo Maamulka degmada aan la socon xiliga uu booqanaye La’aanta Garasbaaleey waxaana ku wehliyey Booqashadiisa Xildhibaano Ku beel ah Gudoomiyaha Gobalka Eng Yariisoo waxayna cadeeneysaa in ay si wadajir ah u doonayaan in ay ka dhigaan degmo ka Madax banaan Dayniile.

Sidoo kale, waxaa goobta hadallo ka jeediyey Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan, Xildhibaan Abtidoon Yare iyo Xildhibaan Abduqaadir Carabow iyo Rag isku sharaxaye Mamulka Garasbaaley waxayna dhammaantood ka sinaayeen in ay u qalanto Degmo Garasbaaleey inkastoo la ogyahay in ay tahay Xaafad yar oo aan wali dhismo ahaan iyo deegaan ahaana ka horumarsaneyn Deegaanka Gubta ee ka tirsan Degmada Dayniile.

Dhanka kale Odayaasha iyo Shacabka ku dhaqan Degmada Dayniile waxay cabasho xoogan ka yihiin Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Abdirahaman Cumar Cusmaan yariisow kaas xalay oo booqasho ku tagay Deegaanka Garasbaaley ee Hoos yimaado Degmada Dayniile waxayna baaq u diriyaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo iyi RW Xasan Cali Khayre in ay soo faragaliyaan arinta uu ku dhaqaaqayo Gudoomiyaha Gobalka asigoo Si aan gabad laheyn u doonaya in uu kala jaro degmada dayniile.

Gudoomiyaha gobalka banaadir uma lahan xaq in uu deegan ka tirsan degmo uu booqosho ku tago asiga aysan lasocon Gudoomiyaha degmada ama ku xigeenada gudoomiyaha hase ahate waxay tani abuuri kartaa isku dhac siyaasadeyd iyo mid amni waxaana masuuliyadeyda lahaan doono Gudoomiyaha Gobalka banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.