Home Afsomali Duulimaadkii ugu horeeyay ee UK ee Qaxootiga loogu masaafuriyo Rwanda oo la...

Duulimaadkii ugu horeeyay ee UK ee Qaxootiga loogu masaafuriyo Rwanda oo la ogolaaday

Ololeyaasha UK ayaa ku guul darreystay codsi ay maxkamadda sare ku dooneysay in ay dowladda kaga hor istaagto qorshe ay dad muhaajiriin ah ugu diri lahayd dalka Rwanda taasoo u gogol xaareysa in duulimaadkii ugu horreeyay ee masaafurinta ee toddobaadka soo socda.

Ilaa 130 qof oo ka kala socda dalal ay ka mid yihiin Afgaanistaan,Somaaliya, Suuriya iyo Suudaan ayaa loo diri doonaa Kigali iyadoo la raacayo siyaasadda socdaalka ee dhawaanta muranka dhalisay ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Maxkamadda ayaa dhageysatay 31 qof oo lagu waday duulimaadkii ugu horreeyay Talaadadii, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay qorsheyneyso in dadkaasi la qaado.

Muhaajiriinta ayaa lagu waday in la siiyo tikidh hal mar ah oo ay ku tagayaan dalka ku yaalla bariga Afrika, taasoo qeyb ka ah dadaalka xoghayaha arrimaha gudaha ee UK Priti Patel ee lagu xakameynayo dadka soo galootiga ah, halka kooxaha ololaha iyo ururrada ay ka codsadeen garsoorayaasha inay joojiyaan duulimaadkooda soo socda.

Qareenada u doodaya ku dhawaad 100 muhaajiriin ah ayaa soo gudbiyay caqabado dhanka sharciga ah iyaga oo ka codsanaya in ay sii joogaan UK inta hartayna la filayo in ay ku daydaan.

https://youtu.be/O-8kfox81uE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.