Home Afsomali DUULIMAADYADA CUSUB EE KENYA IYO ETHIOPIAN AIRLINES

DUULIMAADYADA CUSUB EE KENYA IYO ETHIOPIAN AIRLINES

DUULIMAADYADA CUSUB EE KENYA IYO ETHIOPIAN AIRLINES
Usbuucaan waxaa magaalada Muqdisho duulimaad ku yimid diyaarda Ethiopian airlines, taasoo sheegtey usbuucii sadex jeer ku imaan doonaan duulimaad Muqdisho ilaa Addis Ababa. Dhanka waxaa iyana shaaciyey ineey duulimaad ku imaan doonaan Muqdisho, Kenya airways laga bilaabo 15 November, duulimaadkaaso noqonn doono maalin kastaa…Nairobi to Muqdisho -Nairobi
.
Horey waxaa duulimaad caalami ugu imaan jirey Muqdisho diyaarada Turkish airline, taasoo imaan jirtey dhawrkii sano ee lasoo dhaafay, Turkish airline waxaa aay dadka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Somalia iyo kuwa ku nool dibedda ku xirtey magaalooyin iyo wadamo kala duwan oo caalamka, waxaana aay u bareertey khatar weyn. Waxaa la sheegaa in duulimaadka turkish airline uu ahaa mid aay dowlada Turkiga ku taageereeysey kuna garab istaageeysey dadka Soomaaliyeed, si aay aduunka u tusto in Somalia aay tahay meel la tagi karo ganacsina laga sameyn, waxaana aay uga dan lahaayeen in maskaxda dunida iyo tan dadka Soomaaliyeed macniwiyaadkooda kor ugu qaadaan. Dhanka kale duulimaadka Turkish airline aay ku imaaneeysey Somalia, waxaa uu ahaa midka ugu qaalisan oo aay sameeyaan, markii loo fiiriyo masaafada, waxaana la soo tebiyey in sanadihii tegey uu ahaa midka ugu faa,iidada badan dhammaan duulimaadyadeeda kale ee aay aduunka ku tagto. Tusaale, bishii September ee sanadkaan waxaan kasoo safrayey London to Muqdisho, Turkish airline , ticketkeeda ilaa iyo muqdisho wuxuu ahaa $1,560, dhanka kale isla Turkish airline from London to Nairobi oo go and back ah wuxuu ahaa $499, waxaa u dhaxeeya farqi aad iyo aad u weyn, sababta waxaa aay aheyd, waxaa aay isticmalaayeen, qaacidada dhaqaale ee la yiraahdo price elastic iyo price inelastic…. taasoo macnaheedu yahay ineey jirto xili uu qiimaha sheyga saameyn laheyn oo aay dadka ku qasaban yihiin, iyo xili qiimaha uu macno sameeynayo. Dhanka kale diyaaradaha aay leeyihiin dadka Soomaaliyeed oo runtii soo shaqeeyey xilli adag, kana soo saarey dadkeena xiligaa adag, waxaa aay ilaa iyo hada dabooli kari waayeen, ceshan waayeena suuqaan Soomaaliya, waxaana aay ku caan baxeen shaqo xumo, wakhti la,aan, Ixtiraam xumo, waxaana dhacday marar badan in duulimaad ka qaadan lahaa hal saac ama laba uu kaa qaato in ka badan 12 saacadood, adiga oo aan ku talo galin. Sanadkaan aanu ku jirno waxaa Somalia ka dhacday culeysyo xaga diyaaradaha ah, gaar ahaan, markii la aadayey Cumrada iyo Xajka, waxaana dadka Soomaaliyeed aay transit ku mareen, wadamada, Turkiga, Qatar, Masar, Ethiopia, Kenya, iyaga oo aan ku talo galin ka dib markii diyaardaha Soomaaliyeed aay howshaa ku adkaatay.
Hadaba, Turkish airline iyo diyaaradaha Soomaaliyeed, waxaa ku bilowdey tartan xaga duulimaadyada ah, oo aay soo galeen laba shirkadood oo waaweyn, kana yimid deriskeena oo aad noogu dhaw , iyaga oo isha ku hayey suuqaan oo maalinba maalinta ka danbeysa soo xoogeeysanyey, una arkeen ineey ku jirto furas aad u weyn. Turkish airline waxaa qasab ku ah ineey hoos u dhigaan qiimaha lagu raaco duulimaadka yimaada Somalia, diyaaradaha Soomaalidana waxaa looga baahan yahay ineey adeegooda hagaajiyaan, soona kireystaan diyaarado la tartami kara shirkadahaan, hadii kale waxa aay ka bixi doonaan suuqa duulimaadyada. Dhanka kale arintaan waxaa aay dan ugu jirtaa dadka Soomaaliyeed iyo ajnabiga yimaada Soomaaliya, waxaana aay gacan fiican siin doontaa ganacsiga Soomaaliyeed, waxaana heli donaa duulimaadyo, joogto ah qiimahoodana aanu badneyn. Waxaa kaloo la rajeeynayaa in shirkado kalena aay soo geli doonaan suuqaan Somaliya.
Sidoo kale arintaan waxaa aay fariin u direeysaa dhammaan ganacsiga Soomaaliyeedqeybihiisa kala duwan , waana ineey u diyaar garoobaan tartan caalami ah, waana ineey kor u qaadaan mustawaha adeega iyo tayadiisaba .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.