Home Afsomali Erdogan oo Socdaal Dibadeedkiisa u horeeyey ku bixi doona tan iyo doorashadiisii

Erdogan oo Socdaal Dibadeedkiisa u horeeyey ku bixi doona tan iyo doorashadiisii

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdoğan oo dhawaan dib loo doortay ayaa la filayaa inuu Maalinta Isniinta ee isbuucan oo ku beegan bishan June 12  uu u ambabaxo Safarkiisa Koowaad ee Dibedda, sida lagu sheegay hadal-qoraal oo ka soo baxay Madaxtooyada dalkaasi.

Lugtiisa Koowaad waxa uu ku tegi doonaa Jesiiradda Kala-qeybsan ee Qubrus, gaar ahaan Jamhuuriyadda Waqooyiga Qubrus  oo ay degan yihiin Muwaadiniin asalkooda Turkish ah.

Waxa uu la kulmi doonaa dhigiisa Waqooyiga Qubrus, Ersin Tatar (أرسين تتار) iyo RW Ünal Üstel (أونال أوستل).

Labada Madaxweyne waxay ka wada hadli doonaan Qorshooyinkooda ku aadan Qaddiyada Jesiirada Qubrus iyo Dhacdooyinkii u dambeeyey ee Bariga Badda Mediterranean Sea.

Dhanka kale, Madaxweyne Erdoğan waxa u qorshaysan inuu Maalinta Talaadada (June 13) u safro dalka Azerbaijan, isagoo la kulmi doona dhigiisa dalkaasi,  Ilham Aliyev

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.