Home Afsomali Ergayga Arrimaha Bani’aadannimada & gurmadka Abaaraha oo kuwajahan Kismaayo

Ergayga Arrimaha Bani’aadannimada & gurmadka Abaaraha oo kuwajahan Kismaayo

Waxaa lagu wadaa in dhawaan Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada & gurmadka Abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame & wafdi la socda inay tagaan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada.

Ergayga iyo wafdiga la socda ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Jubbaland, iyaga oo ka dhageysan doona warbixino la xiriira xaaladda abaareed ee kajirta degaannada Jubbaland & sidii ay gurmad ku heli lahaayeen dadka ay saameeysay abaarta.

Wafdiga ayaa sidoo kale kormeeri doona Xerooyinka dadka barakacayaasha ay degan yihiin ee kuyaalla Magaalada Kismaayo iyo degaannada hoostaga, iyaga oo u kuurgeli doona xaaladda nololeed ee dadka kunool xerooyinkaas.

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada & gurmadka Abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame & wafdi la socda ayaa horay u booqday xerooyin barakac oo kuyaalla Gobolada, Hiiraan, Gedo, Bakool iyo kuwo kuyaalla Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.