Home Afsomali Esh calaa Madaxweyne Muuse biixi oo dhax istagay suuqa xoolaha lagu kala...

Esh calaa Madaxweyne Muuse biixi oo dhax istagay suuqa xoolaha lagu kala iibsado

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray shaqo ku tegay sayladda Xoolaha ee Hargeysa.

 

Madaweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii uu kormeerkiisa ku jirey waxa uu indho indheeyey habsami-u-socodka hawlaha wax kala iibsi ee ka socda sayladda xoolaha Hargeysa oo ah goob uu ka socdo ganacsi ballaadhani.

 

Xubno kamid ah guddida ugu maamusha sayladda Xoolaha ee Hargeysa, ayuu madaxweynuhu ka dhegaystay warbixin kooban oo ku saabsan duruufaha kala duwan ee ku xeeran dadka ku ganacsadasayladda iyo xoolaha halkaas lagu kala iibsado oo u baahan daryeel joogto ah oo xagga cawska iyo biyaha ah.

 

Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiinta dawladda Hoose ee Hargeysa ugu baaqay inay ka hawlgalaan sidii ay u dhammaystiri lahaayeen wax kasta oo ay u baahan yihiin dadka iyo xoolaha ku sugan sayladdu, sida Biyaha, cuntada iyo hadhka

 

Previous articleRa’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Shirka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada ( DAAWO SAWIRADA )
Next articleMaltese Man’s Shooting In Somalia Was ‘Motivated By Economics, Not Politics

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.