Dowlada Itoobiya oo War Culus ka soo saartay Heshiiskii Saddax Geesoodka ahaa ee ay la galeen Shirkada DP World iyo Maamulka Soomaaliland
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Itoobiya laguna magacaabo Milsi Alam ayaa sheegay in heshiiska ay wada saxiixdeen itoobiay iyo Somaliland kuna saabsan dekadda berbera uusan xiriir la laheyn xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.
Milsi ayaa hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay taageereyso Soomaaliya iyo Madax-banaanideeda!.
Afhayeenka oo wereysi gaar ah Al-Jazeera ku siiyay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ee Addis-Ababa ayaa tilmaamay in heshiiskan uu ku qotomo dhanka iskaashiga laba geesoodka ganacsiga iyo Logistics-ka oo qura.
Waxa uu intaasi ku daray Milsi in Itoobiya ay dadaallo badan ku bixisay sidii loo heli lahaa danta ah Wadajirka Soomaaliya.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya uu sanadihii ugu dambeeyay ahaa mid horumar weyn sameynaya, iyadoo booqashadii ugu dambeysay ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay ahayd bishii la soo dhaafay ee April.
Mr Milsi waxa uu caddeeyay in Itoobiya ay dowladda Soomaaliy ka taageerto dhinacyo badan, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxa uu sidoo kale tilmaamay in Itoobiya ay kaalin weyn ku leedahay urur goboleedka IGAD, kaasi oo lagu xoojiyo deganaashaha Soomaaliya.