Home Afsomali faahfaahin ka soo baxayso Dil Goor Dhaw Ka dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha

faahfaahin ka soo baxayso Dil Goor Dhaw Ka dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha

Rag ku hubeysnaa Bustoolado oo madaxjabshayaal ah  ayaa waxaa la sheegay in goordhow Gudaha Suuqa weyn ee bakaaraha ee Magalada Muqdisho ku dileen Nin magaciisa lagu soo koobay dhagaweyne , iyaga oo dilka kadib gooobta ka baxsaday.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan meel u dhow Suuqa Daawadda,waxaana wararka ay sheegayaan in ninka Oday ah ee la dilay uu ka mid ahaa Dalaaleyda Dulalka iyo Guryaha nootaayooyinka la shaqeeya.

Weli macada sababta loo dilay Shaqsiggaan  iyo dadka ka dambeeyay dilkiisa,waxaana goobta uu dilka ka dhacay gaaray oo haatan howlgallo ka wada Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.