Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xalay ka dhacay magaaada kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal qaraxa waxa uu ahaa Miino lagu xiray guri uu xaafadda kibooro ka dagan yahay sarkaal ka tiran ciidamadda amaanka.
Maamulka Kismaayo ayaa sheegay in ay jiraan khasaare dhaawacyo ku kooban oo gaaray qoyska sarkaalka weerarka lagu qaaday iyo askar.
Ciidanka booliska Jubbaland ayaa ka howlgallo ka bilaabay xaafadda uu Qaraxu ka dhacay, waxaana ay sheegeen in gacanta lagu soo dhigi doono kooxihii ka dambeeyay Qaraxa.