https://youtu.be/6IpyYvso_lg
Taliska xoogga dalka Soomaaliyeed oo faahfaahin ka bixiyay weerar naftii halignimada ah oo Xagjirka Alshabaab ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla Gobalka Shabeellaha Dhexe.
Qarax oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay banaanka hore saldhig ay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin degaanka Biya-cade ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
Lama soo sheegin wax qasaare dhimasho ah oo soo gaaray Ciidamada Xoogga Dalka ee halkaas ku sugnaa, hasayeeshee waxaa dhaawacyo kasoo gaareen illaa 4 Askari oo kamid ahaa ilaaladii saldhiggasi.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odaywaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in Ciidamada oo heytay xogta Argagixisada Alshabaab kuna jiray fiijignaan dheeri ah ay ka hortageen qoeshihii ay soo maleegeen Al-shabaab.
Gen Odaywaa wuxuu intaas raaciyay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca Dalka iyo Diinta ay sii labalaabayaan howlgalada ka dhanka ah Xagjirka Alshabaab ee banneystay in ay xaqdarro ku daadiyaa dhiigga umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.