Home Afsomali Faahfaahinta qaraxa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho cidda ka danbeysay iyo qasaaraha...

Faahfaahinta qaraxa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho cidda ka danbeysay iyo qasaaraha uu geystay

gaaarigii-roondada taalada-syidka

Ciidamada Ilaalada ka ahaa taalada sayidka ayaa lagu qaaday weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari feyraf ah .

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo loo Diyaariyay Sugidda Amniga Magaalada Muqdisho Xiliga Habeynkii oo ku sugnaa Isgoyska Sayidka Ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa isku Qarxiyay Nin Waday Gaari Miineysan.

Maamula Gobolka banaadir ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo suga amaanka magaalada iyo xiliga doorashooyinka waxaana laga joogaa in ka yar 24 saac oo uu dhacay qaraxaana ismiidaaminta ah

Barta koontarool ee sayidka oo u dhow guriga umaada ayaa si aad ah loo xoojiyey ka dib markii bishoo hore uu xoog ku jiraay gaari miineysnaa oo markii danbe isku qarxiyey afaafka hore ee madaxtooyada

Gaariga caawa  Qarax ayaa garawalkiisii ku dhiftay gaari ciiadamadu leeyihiin oo halkaa rondo ka ahaa waxaana ku dhintay laba askari iyo ruuxii wadaha ka ahaa gaariga qarxay iyo tiro kale oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan

Waxaan jira burbur xoogan oo gaaray garigii ciidamada ee qaraxa lala aabeegsaday .

Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada Weerarka Isqarxnta ah ee Caawa lagu Weeraray Ciidamada Ammaanka oo ku sugnaa Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa war soo dhigtay bogaga taageera ee internetka waxay ku sheegteen iney ka dambeeyeen weerarkan, waxayna intaa ku dareen in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxaynayay nin ka tirsan Guutada ay ula baxeen istish-haadiyiinta uu beegsaday gaadiid kolonyo ah oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan sirdoonka dowladda Federaalka sida ay warka u dhigeen.

“Mujaahid kaxaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa camaliyad istish-haadi ah ku galay goob ay ku sugnaayeen saraakiil katirsan maleeshiyada Ashahaadda la dirirka ee isgoyska Sayidka magaalada Muqdisho, khasaare xooggan ayaana cadawga gaaray” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab oo sidoo kale ay ku sheegteen in illaa todoba gaari lagu gubay weerarkan.

https://youtu.be/xr7ZhvI9c58

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

More VIDEOS https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.