Home Afsomali Faaiidada Sadaqadu leedahay Aakiro iyo Aduun

Faaiidada Sadaqadu leedahay Aakiro iyo Aduun

Barnaamij Tv, ka baxayey oo tabarucaadda lagu uruuriyo ayuu weriyihii dad weynaha u soo bandhigay xaaladda bukaan u baahan in lagu sameeyo qaliin 150 kun oo dollar ku baxayso, bukaanka ma awoodi karin inuu lacagtaas iska bixiyo.

 

Weriyihii wuxuu bilaabay inuu ka jawaabo wicitaanada dadka raba inay wax baxsadaan.

 

Dadka soo wacay waxaa ka mid ahaa wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed kaasoo sheegay inuu bukaanka ku tabarucay Lacag 2$ ah.

 

Weriyihii ayaa yiri: Ma 2$ dollar oo keliya?

 

Wuxuu ku jawaabay: Anigu baagamundo ayaan ahay oo ma shaqeeyo Labadaas dollar ayaa aheyd hantida keliya ee maanta aan haystay, waxaanan jecleystay inaan sadaqeysto!

 

Qofkii ku xigay ee barnaamijka soo wacay wuxuu Sadaqeystay 8 Kun oo dollar wuxuuna  yiri 4 kun bukaanka ayaa leh, 4 kunna Wiilkii Labada dollar bixiyey hala siiyo.

 

Mid kale ayaa isna baxsaday 10 kun oo dollar wuxuuna  yiri 5 kun bukaanka ayaa leh 5 kunna wiilkii labada dollar baxsaday.

 

Sidaa ayey ku socotay oo qof walba oo lacag baxsaday wuxuu u kala qeybiyey bukaanka iyo wiilkii labada dollar baxsaday.

 

Dhammaadkii barnaamijka markii la gaaray lacagtii bukaanka qaliinka loogu sameyn lahaa wey dhameystirantay, Wiilkii labada dollar sadaqeystayna lacag 50 kun oo dollar ku dhaw ayuu helay.

 

Barnaamij kale ayaa wiilkii lagu casuumay si Lacagtii uu helay loogu wareejiyo, wareysina looga qaado, intuu barnaamijku socday waxaa Tv-ga soo wacay Tobanaan shirkadood oo raba Inay wiilka shaqo siiyaan.

 

Dulucda dhacdadan waxay tahay:

 

Haddii aad wax sadaqeysato ILAAHAY wuxuu kuugu badalayaa wax ka kheyr badan, wuxuuna wax kaa irsaaqayaa meel aadan fileynin. Nabigu (SC) wuxuu yiri:

ما نقصت صدقة من مال

Oo macnaheedu yahay sadaqo maal ma yareyso.

 

Fadlan, Walaal adiga oo mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.

Previous articleQeyb ka mid ah maxaabiista ku jirta xarunta dhaqan -celinta oo Facbook Live ka soo galay
Next articleWasiir Dubbe: “Fanaaniin ay ku jirto Nada Al-Ghala ayaa raba iney ka heesaan Tiyaatarka”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.