Home Afsomali Fanaanad Amina Cabdilaahi oo hargeysa ku geeriyootay goor dhaweyd

Fanaanad Amina Cabdilaahi oo hargeysa ku geeriyootay goor dhaweyd

Alle ha u naxariisto fanaanadii Aamina Cabdilaahi Xirsi oo goor dhaweyd ku geeriyooday magaalada Boorama.

Aamiina waxa ay ka mid hablihii fanka ku biiray badhtamihii 1960-yadii, waxaana ay ahayd heesaa iyo majaajilayste .

Riwaayadaha ay jishay , waxa ka mid ahaa Gaal iyo  gabdhoow yaa Idina leh  , Dab jacayl kari waayaa , Bidaari sibiqbay kugu gashaa , Galbeed waa la xoreeyay waarsaa gaagixisay  Beeneey waa run iyo kuwo kale.

Waxa ay la heestay fanaaniin ay ka mid ahaayeen , Maxamed Axmed Kuluc, Cabdinaasir Macalin Siciid, Axmed Gacayte Yuusuf iyo rag kale oo caan ahaa .

Aamiina Alle ha u naxariistee waxa ay carruur u dhashay abwaan Cabdi Aadan Xaad ( Qays) iyo fanaankii Cabdiraxmaan Cismaan Maxabe ( Cabdiraxmaan-dheere) oo ah aabaha dhalay fanaanada caanka ah ee Hodan Cabdiraxmaan. dhawaan ayay ahayd markuu geeriyooday saygeedii oo isna Fannaan qiimo leh ahaa, laguna magacaabi jiray C/raxmaan Dheere. Waxay dhaleen Fanaanad Hodan C/raxmaan Dheere…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.