Alle ha u naxariisto fanaanadii Aamina Cabdilaahi Xirsi oo goor dhaweyd ku geeriyooday magaalada Boorama.
Aamiina waxa ay ka mid hablihii fanka ku biiray badhtamihii 1960-yadii, waxaana ay ahayd heesaa iyo majaajilayste .
Riwaayadaha ay jishay , waxa ka mid ahaa Gaal iyo gabdhoow yaa Idina leh , Dab jacayl kari waayaa , Bidaari sibiqbay kugu gashaa , Galbeed waa la xoreeyay waarsaa gaagixisay Beeneey waa run iyo kuwo kale.
Waxa ay la heestay fanaaniin ay ka mid ahaayeen , Maxamed Axmed Kuluc, Cabdinaasir Macalin Siciid, Axmed Gacayte Yuusuf iyo rag kale oo caan ahaa .
Aamiina Alle ha u naxariistee waxa ay carruur u dhashay abwaan Cabdi Aadan Xaad ( Qays) iyo fanaankii Cabdiraxmaan Cismaan Maxabe ( Cabdiraxmaan-dheere) oo ah aabaha dhalay fanaanada caanka ah ee Hodan Cabdiraxmaan. dhawaan ayay ahayd markuu geeriyooday saygeedii oo isna Fannaan qiimo leh ahaa, laguna magacaabi jiray C/raxmaan Dheere. Waxay dhaleen Fanaanad Hodan C/raxmaan Dheere…