Home Afsomali Fadliga Bisha Ramadaan.

Fadliga Bisha Ramadaan.

Dhamaan Umadda Islaamka ee Caalamka daafihiisa ku nool, ayaa qaabilaya Bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo sanad walba hal mar soo gasha, kana faa’idaystaan Muslimiintu.

Inta badan Wadamada Islaamka, ayaa laysku raacay inay Maalinta Sabtida oo ay bisha May tahay 27 Taariikhda Milaadiga, Bisha Ramadaan ay tahay Kow (1 Ramadaan).

Xalay ayey aad ugu mashquulsanaayeen Umaddaha islaamku bilshada Bisha Ramadaan, balse waxa laysku raacay inay caawa bilatay bishu, sida ay sheegeen madaxda Dawladda Islaamka qaarkood.

Waa Maxay Ramadaan?

Ramadaan waa mid kamida tiirarka Islaamka ugu waaweyn, Waana Bil Cibaado oo ay dadka Islaamku uga faa’idaystaan Cibaado iyo alle bari iyo acmaal kale oo nololsha u wanaagsan. Waxa laga soomayaa inta ay cad-ceedu soo jeedo cuntada, cabista, Galmada iyo ficilada kale ee buriya soonka, waxaanay dadku aad u badiyaan akhriska Qur’aanka oo kamida fadliyada laga helo Bishan.

Waa Bil alle addoomihiisa u sameeyey degenaanshiyo iyo inay ku farxaan gudashada waajibaad kamida arkaamta islaamka.

Sida uu alle qur’aankiisa ku sheegay  Bisha Ramadaan ‘waxa la xidhaa Cadaabta, waxaana la furaa Albaabbada Janadda’, sidoo kalena waxa uu alle ka xidhaa Addoomihiisa Shaydaanka, waxaana qof waliba dareemaa naxariis dheeraada oo uu alle u gaar yeellay bishan.

Faa’idooyinka kale ee laga helay soonka Bisha Ramadaan

Culimada adduunku waxay isku raacsanyihiin in Bisha Ramadaan laga helo faa’idooyin badan oo dhanka nolosha khuseeya.

Waxa kamida Caafimaad, Nadaafad qofka jidhkiisu helo, degenaanshiyo dhanka Maskaxda ah iyo waxyaabo kale oo qofka noloshiisa faa’ido u leh.

Ugu dambeyn bahda Gobanimonews, waxay umadda Islaamka, gaar ahaan kuwa Soomaalida oo ay bishan Ramadaan u soo gashay xilli ay ka soo kabanayaan dhibaatadii ka soo gaadhay Abaarta sanadka ka dhacday dalka oo dhan, ku hambalyeynayaan Bilashada Bisha Khayrka badan ee Ramadaan.

Waxaan alle uga baryaynaa inuu u fuddudeeyo Soonka, kuna gaadhsiiyo dhamaadkeeda Barwaaqo iyo badhaadhe.

 

Bisha Ramadaan waxay leedahay Fadli badan oo ilaahay ku gaar yeelay,

Fadligaa waxa ka mid ah:

In ilaahay Qur’aanka soo dejiyey Bisha Ramadaan, Gaar ahaan habeenka Laylatul Qadriga sida aaydaha ku jira suuratul Dukhaan tilmaamayaan:
(إِنَّا أَنْزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةٍ مُبَارَكَةٍ إِنَّا كُنَّا مُنْذِرِينَ)( الدخان3)
Waxan soo dejiney(quraanka) Haben barakaysan,(laylatul Qadriga),
Fadliga bisha ku gaarka ah waa ka mid ah in marka bisha Ramadaan bilaabanto la furo Albaabada Janada, la xidho Albaabada Naarta, Shaydaanada waaweyna la xidh xidho sidaa wax tilmaamay Nebigeena NNKH isagoo yidhi:
متفق عليه( إذا جاء رمضان فُتِّحت أبواب الجنة وغُلِّقت أبواب النار وصُفِّدت الشياطين)
(Marka Ramadaanku yimaado waxa la furaa Albaabada janada, waxa la xidhaa Albaabada naarta, Shaydaanada waa la xidhxidhaa) waxa weriyey Bukhaari iyo muslim.
Faa,iidada Xadiiska
1- Fadliga Ramadaanka iyo qiimahiisa oo xadiisku sheegay
2- In marka ramadaan soo galo la furo Albaabada janada taas oo macnaheedu yahay khayrka janada lagu gelayo oo badanaya,
3- La xidho albaabada Naarta taas oo mahnaheedu yahay in camalka naarta lagu gala yaraanayo
4- La xidhxidho shaydaanda, shaydaanku bisha ramdaan sidii uu muslimiinta ugu awooda badnaa uguma awod badna, kiisa waaweyn ee dunuubta dadka ku ridana waa la xidhaa oo shar kuma ridi karo. Riwaayadaha qaar waxay sheegeen in shaydanka kiisa madaxa adag la xidhxidho, taas oo laga fahmi karo in aan dhamaan shaydaanku xidhxidhnayn ee kiisa yaryari fasaxna yahay.
Fadliga bisha Ramadaan waxa ka mid ah :
In ilaahay u denbi dhaafo qofka sooma bisha isagoo rumaysan ,ilaahayna ajri kaga doonaya
Sidaa waxa inoo sheegay Nebigeena NNKH wuxu yidhi:
(من صام رمضان إيماناً واحتسابأىغفر له ماتقدم من ذنبه) متفق عليه.
Qofkii sooma Ramadaanka isagoo rumaysan ilaahayna ajri kaga doonaya waxa loo dhaafaa denbigiisii hore.
Faa’iidada xadiiska:
Xadiidku wuxuu inoo sheegay in laba shardi qofkii laga helo soonkiisa in loo denbi dhaafayo
1- Qofkii sooma isagoo rumaysan jaawibnimada soonka iyo in ilaahay faral kaga dhigay gudashadiisa
2- Ajrina kaga doonaya ilaahay oo aanu soonku culays iyo dhib ku ahayn eeku farxsan xukunka alle
In loo dhaafo denbigiisii tegey oo ah denbigii yaryaraa, denbiga waaweyn wuxu u baahan yahay toobad keen .
Fadliga Bisha Ramadaan waxa ka mid ah:
In ilaahay si gaar ah uga sheegtay Soonka Camaladii kale ee la qabanayey, mushaqaayda soonkana uu yidhi anigaa bixinaya
Xadiisul Qudsi ayuu ilahay ku yidhi:
(كل عمل ابن آدم له إلا الصوم فإنه لي وأنا أجزي به، والصيام جُنَّة فإذا كان يوم صوم أحدكم فلا يرفث ولا يصخب، فإن سابَّه أحد أو قاتله فليقل: إني صائم، والذي نفس محمد بيده لخلوف فم الصائم أطيب عند الله من ريح المسك، للصائم فرحتان يفرحهما: إذا أفطر فرح بفطره، وإذا لقي ربه فرح بصومه) متفق عليه
(Camalada dhamaan ibni aadamka ayaa iska leh, soonka mooyaane ,soonka anigaa iska leh , anigaana mushqaayadiisa bixinaya, soonku waa gaashaan, qofkiin marka uu sooman yahay yaanu qaylin (muran & Dood) ,yaanu Af xumoon, hadii qof caayo ama la diriro ha yidhaahdo anigu wan soomanahay, ilaahii nafta Muxamad Gacantiisa ku jirtay ayaan ku dhaartee , Bukhuurka afka Qofka soomani ilaahay agtiisa wuu kaga idgoon badan yahay uduga miskiga, Qofka soomani wuxu leeyahay laba farxadood 1- markuu affuro wuxu ku farxaya asoonkiisa 2- markuu ilaahay la kulmona wuxu ku farxayaa soonkiisa.) Waxa weriyey labada sheikh.
Faa’iidad xadiiska :
1- In ilaahay si gaar ah u sheegtay soonka , camalada kalena uu yidhi waxa iska leh bani aadamka, waayo soonka ma soo geli karaan istus iyo is maqashiis ,halka camalda kale ay soo geli karto in qofku wax kale cid kaga doonayo
2- Soonka in ilaahay yidhi anigaa mushqaayadiisa si gaar ah u bixinaya, mana sheegin inta uu leegyahay, laakiin waxa la rajaynayaa inuu ahaado mid weyn oo qofku ku farxi doono marka uu ilahay la kulmo.
3- Soonku wuxu gaashaan ka yahay dhamaan waxyalaha xun xun iyo shahwaadka naftu doonto.
4- Qofku markuu sooman yahay inuu dhawrto soonkiisa kana taxadaro wixii wax u dhimaya ajrigiisana nusqaaminaya. Hadii qof ku soo xd gudbo waa inuu u sheego inuu sooman yahay oo soonkiisa ilaashanayo.
5- Waa in aanu dhib geysan , afxumadan iska ilaaliyo
6- Wuxu inoo sheegay qiimaha uu leeyahay isbedelka iyo urta xunee ku dhaca afka qofka sooman , wuxu inoo sheegay inuu ilaahay agtiisa kaga idgoon badan yahay cadarka miskiga, waxa culimada qaar sheegeen in aan qofku rabadaanka cadayga badsan ee taasto urta afkiisa ka soo baxaysa, maadaama ay ilaahay agtiisa qiimo ku leedahay.
7- Qofku wa inuu ku farxo marka uu cibaadada dhamaysto sidii ilaahayba ku yidhi:
( (وَلِتُكْمِلُوا الْعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُوا اللَّهَ عَلَى مَا هَدَاكُمْ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ 185)
Inaad tirada bisha dhamays tirataan ,ilaahyna weyneysaan,oo u takbiirataan, khayrka uu idinku hanuuniyey, iyo inaad u shukri naqdaan
8- Qofka soomani wuxu ku farxi doona soonkiisa markuu ilaahay la kulmo iyo markuu afuro ee soonkiisa dhamys tirto

Allaah baa mahad leh
Allaah hanagu daro kuwa laga xoreeyo magacooda naarta Lana gesho jannatul Rayaan aamiin Yaa Raxmaan Yaa Raxiim..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.