Home Afsomali Farmaajo oo la kulmay madaxweynaha Somali State

Farmaajo oo la kulmay madaxweynaha Somali State

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo  gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) .

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Waxaa diiradda lagu saaray kulanka sidii loo xoojin lahaa isbedallada ka socda geeska Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya Shir ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD oo looga hadli xubinnimada Eritrea oo mar kale ka mid noqonaya xubnaha Urur Goboleedka IGAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.