Home Afsomali Farmaajo oo meel ku sheegay dhalinyarada ku maqan dalka Eritrea iyo...

Farmaajo oo meel ku sheegay dhalinyarada ku maqan dalka Eritrea iyo sababata ay halkaa ugu daaheen

XXafladda xil wareejinta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo isagoo ka hadlaya waxaa sheegey inuu Madaxweynaha la doortey ku wareejiyey ciidamo 5000 ah oo ku maqan dalka Eritrea.

Farmajo aya sheegey inuu keeni waayey ciidankaan sababtoo ah Xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirtay awgeed.

“5 kun oo askari ayaa tababar u geynay Eretareeya waxa ay tababarka dhammeysteen sanadkii hore bartamihiisa, waxaana dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn Doorashada Dalka”.ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Farmajo aya sheegey inuu Madaxweynaha cusub ku wareejiyey Hawada, barnaamijka deyn cafinta, codsi xubinimada golaha amaanka qaramada midoobey iyo xeerka doorashada oo uu sheegey inuu ahaa mid dhib badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.