Home Afsomali Farmaajo, Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay Salaada Janaasada ee...

Farmaajo, Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay Salaada Janaasada ee RW ee Somalia

Madaxweynaha  Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehliyaan masuuliyiinta kale ee dowladda ayaa ka qeyb galay salaadda janaasada meydka AUN RW hore ee dalka Xasan Abshir Faarax oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

Marxuumka ayaa dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga, halkaasi oo lagu daweynayay,kaidb xanuun haleelay,waxaana ugu dambeyn Maanta la keenay muqdisho si loogu Aaso Garoowe.

Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasada waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.

Meydka marxuumka ayaa diyaarad u qaaday magaalada Garoowe halkaas oo lagu aasi doono maanta waxaa ka qeyb galaya aaskiisa guddoomiyaha Aqalka sare,Ra’iisul Wasaare kheyre  iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo garoowe ku sugan.

Sidoo kale Salaada Janaasada ee lagu dukaday meydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb-galay Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran gaar ahaan Madaxweyneyaashii hore ee Dalka  Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.