Home Afsomali Full VIDEO Alshabaab loo heysto dilka 180 Qof oo Maxkamad la...

Full VIDEO Alshabaab loo heysto dilka 180 Qof oo Maxkamad la soo taagay

https://youtu.be/xC8NhKK5xCs

Xeer ilaaliye ku-xigeenka maxkamadda ciidamada, Gaashaanle Muumin Xuseen Cabdullaahi, oo ka hadlay hoolka ay ka socotay dacwadda, ayaa ka sheekeeyey, sida lagu soo qabtay afartaan eedeysane oo ay mid ka mid ah tahay qof Haweeney ah.

Muumin ayaa sheegay in marka hore ciidamada amniga ay gacanta ku soo dhigeen saddex ka mid ah eedeysanayaasha, kadib markii ay ku fashilmeen isku day dil oo ay ku khaarijin rabeen Haweeney ka mid ah eragadii wax ka soo dooratay xildhibaaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, taas oo ku sugneyd xaafadda Seybiyaano, gaar ahaan dhanka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in baaris dheer kadib eedeysanayaasha ay sheegeen in Amiirkooda uu yahay Ilkacase, kaas oo ugu dambeyn isna la soo qabtay

Sidoo kale maxkamadda ayaa sheegtay in Ilkacase uu lahaa magacyo kale oo been abuur ah, islamarkaana in muddo ah lagu raad joogay, waxaana ay tilmaamtay in horay loo soo qabtay rag la shaqeynayey oo qaarkood la xukumay, kuwana ay yihiin xukun sugayaal, halka kuwa kalena ay ka maqan yihiin gacanta dowladda.

Dhammaan eedeysanayaasha ayaa fadhiga maxkamadda ka hor qirtay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, welina waxaa socoto dhageysiga dacwadda loo heysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.