https://youtu.be/UxC4p4GmD3U
10 bambo oo uu tuuray waxaa qarxay sagaal ka mid ah waxayna geysteen qaraaro isugu jira dhimasho dhaawac iyo Burbur hantiyadeed baldhageyso mashaqada uu geystay
isxaaq kerow Aadan Cali ayaa ka soo hor muuqdey maxkamad ciidamada qalabka sida ka dib markii xafiiska xeer ilaalinta guud uu ku eedeeyey dilaal qorsheysan iyo bambo tuuris
wuxuuna ka qeyb qatey wareer ka dhacey gobolka hiiraan oo lagu qadey kolenyo gaadiid ah halkasi marin u ahaa
wxuuna sidokale ka waramey qaabka loo tuuro bamboyinka iyo dilalaka qorsheysan sida loo fuliyo
wxuuna bambooyin ku tuurey Meelo ka mid ah Dagmooyinka Yaaqshiid Shibis Boondheere iyo wadajir
howlgalo ay sameeyeen Ciidamada Amnigu ayey gacanta ku soo dhigeen xili uu bambaanooyin uu si gooni gooni ah u tuurey ay ku geeriyoodeen faarax Cabdulle Cariif oo ka mid ahaa Ciidamada Amniga iyo Axamed Cumar calasow sidaasna howlgaladiisii ay ku soo afjarmeen
Dhageysiga maxakamda oo soo idlaatay ka dib ayaa go.aanka Xukunka Dilka ah ee maxkamada waxaa ku dhawaaqay gsare Xasan cali Nuur Gudoomiyaha Maxkamda CQS