https://youtu.be/12x-cpHpJ_k
Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka Siyaasiyiin ganacsato ururada bulshada rayidka waxgarad kale iyo ehelada Cabdimanaan oo kulan ay Muqdisho ku yeesheen ka soo saaray Baaq iyo cabasho ku aadan xariga iyo jirdilka heyregysa loogu geystay Milkiilaha Astaan TV
waxayna sheegeen in ay ka xun yihiin xariga loo gyestay iyo weliba qaabka loola dhaqmay mudada bisha ka badan ee ay ku tilmaameen wax lala yaabo
waxayna ugu baaqeen madaxweynaha iyo iyo hogaamiyayaasha xisbiyada qaran in ay gacan ka geystaan sidii xornimadiisa uu dib ugu heli lahaa
kulanka intii uu socday xubnihii ka hadlay ayaa si isku mid ah uga dareen celiyey xariga hargeysa loogu geystay Cabdimanaan Yuusuf maxamed oo ah milkiilaha iyo aasaasaha Astaan tv ee magaalada hargeysa oo halkaa mudo ku xiran waxaana xusid mudan in ilaa 3 jeer maxkamada la geeyey in kasta oo aan loo helin danbi lagu soo oogay
sidoo kale waxay hogaanka iyo Xukuumada Somaliland ugu baaqeen in si deg deg ah loo sii daayo dhibane Cabdimanaan Yuusuf maxamed oo ah milkiilaha iyo aasaasaha Astaan tv ee magaalada hargeysa