Home Afsomali full VIDEO Dhibka iyo burburka Ispitalka Baladwewyne maamulka hirshabelle Waxba kama qaban...

full VIDEO Dhibka iyo burburka Ispitalka Baladwewyne maamulka hirshabelle Waxba kama qaban karo waana dhul bana

https://youtu.be/eKiqoOAlRYY

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta kormeer ku tagay Cisbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne oo burbur xoogan uu kasoo gaaray weeraro ay argagixisadu la eegteen.

Madaxweynaha oo kormeerka uu ku wehliyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cusmaan ayaa mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Cusbitaalka oo burbursan dhamaana ay baaba’een wixii qalab iyo daawo ahaa ee cusbitaalka yiilay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo indha indheeyay goobaha ganacsi ee ku burburay qaraxyadii lagu bartilmaameedsadeen cusbitaalka guud ee Magaalada.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn Dowladda Federaalka, jaaliyadaha Hirshabeelle iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u howlgalinta Cusbitaalka guud ee Gobolka oo burburay maanta aan bixin karin wax adeeg caafimaad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.