Home Afsomali Full VIDEO Ganacsade Daahiye Cabdi Cad oo 27 sano ka dib dalka...

Full VIDEO Ganacsade Daahiye Cabdi Cad oo 27 sano ka dib dalka dib ugu soo laabtay ayaa lagu soo dhaweeyey Muqdisho

Daahiye Cabdi oo ka mid ah Muwaadiniinta dalka dibad jooga ka aheyd mudo badan ayaa go.aansaday in uu dalkiisa lama huraan u yahay isaga oo daganaanshiyo ka heystay dalka Boqortooyada ingireiiska wuxuuna ka soo dagay garoonka Adan cade international airport ee Magaalada Muqdisho
Soo dhaweynta daahiye ayaa waxaa ka qeybqaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ganacsato can ah saraalkii ciidan dhalinyaro iyo Haween

Ganacsade Daahiye Cabdi Cad waxaa lagu soo wareejiyey qeybo ka mid ah magalada Muqdisho oo uu sheegay in aanu fileyn sida uu ku arkey wuxuuna soo booqday ehelka iyo qarabada ay mudo ugu danbeysay is aragooda

Intaa ka dib ayaa ganacsadaha qado sharaf loogu sameeyey hotel dayax waxaana wada sheekeysi ka dib saxaafada la hadlay Ganacsade Cabdi Cali Faarax iyo cabdulaahi siyaasi kuwaa oo si isku mid ah u soo dhaweeyey dib u soo laabashada Ganacsade Daahiye Cabdi Cad

Ugu danbeyntiina waxaa ka mahadcaliyey soo dhaweynta diiran ee Magaalada loogu sameeyey Ganacsade Daahiye Cabdi Cad isaga oo xusay qaabka uu ugu faraxsan yahay soo dhaweynta lagu maamuusay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.