Home Afsomali Full VIDEO Garnaqsiga Hadal jeedintii Shirka Garawe ee Ku xigeenka Ra;iisul...

Full VIDEO Garnaqsiga Hadal jeedintii Shirka Garawe ee Ku xigeenka Ra;iisul wasaaraha

https://youtu.be/gPArq4kgb5c

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  ayaa magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee madasha aragti wadaagga siyaasadda Soomaaliya, oo uu soo agaasimay machadka Heritage.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa si gaar ah wuxuu uga hadlay qodobada badan oo ay ka mid ahaayeen Dastuurka, Federaal-ka iyo arrimaha doorashooyinka xiligoodq la taagan yahay.

Sidoo kale mudane Mahdi Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ayaa sheegay muhiimada uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed u leeyahay dastuurka iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray.

Dhinaca kale Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si qotto dheer u faah faahiyay heshiisyada kala duwanaa iyo wadada tanaasulka badan ka muuqsay ee loo maray in doorasho laysla ogol yahay oo waqtigeeda ku dhacdaa ku qabsoomi lahayd ayaa waajib ku tilmaamau  fulinta iyo dhaqan galinta heshiiskii ay Dowladda Federaal-ka iyo Dowlad Goboleedyada ku saxiixeen Muqdisho 17 september. si dalka ay uga qabsoonto doorasho wakhtigeeda ku dhacdo oo lagu kala nabad galo.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ayaa uga mahad celiyay Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ansixintii miisaaniyadda 2021 oo ay ay si wayn uga dhex muuqatay midii doorasho waqtigeeda ku dhacda lagu qaban lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.