Home Afsomali Full VIDEO Guddiga Qaran Ee Ka hortagga COVID-19 Oo Shaaciyay Inay Kordheen...

Full VIDEO Guddiga Qaran Ee Ka hortagga COVID-19 Oo Shaaciyay Inay Kordheen Xaaladaha Dadka Uu Soo Ridanayo Iyo Bukaannada u Geeriyoonaya COVID-19

https://youtu.be/qAVWfVQ9D-8

Guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19, ayaa xaqiijiyay in laba ruux oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, 62 xaalada cusub oo 44 kamid ah lab yihiinna ay soo kordheen 24-kii saac ee ugu dambeeyay. 18 qofood oo kamid ah bukaannada cusub ayaa haween ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo xubin ka ah guddiga kahor tagga COVID-19 ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen laba ruux oo kale taas oo 10 ruux ka dhigeysa tirada guud ee ka caafimaaday cudurkaan.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa noqotay 390 ruux, bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 18 ruux.

Dowladda oo qaatay tillaaboyin lagu xakameynayo cudurkaan, ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqeysa inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.