Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Rooble oo si diiran loogu soo dhaweeyey Kismaayo ( DAAWO...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo si diiran loogu soo dhaweeyey Kismaayo ( DAAWO SAWIRADA )

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubaland, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Jubalanad Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka socdaalka Ra’iisul Wasaaruhu ku yimid Jubaland ayaa waxaa qeyb ka ah arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta. Isagoo dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada, kuwaa soo ay dowladdu ka hirgelinayso Jubaland si loogu adeego shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey madaxda iyo shacabka Jubaland soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey, waxuuna sheegay in madaxda Jubaland uu kala xaajoon doona dhammeystirka dib-u-heshiisiinta gobolka Gedo iyo howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay.

5FCB13A2-88A2-4884-9488-C47478E1E7D6
D0BD3763-CF1E-42E9-B666-057C37449900
ED963955-74E6-4A57-A9CD-9589F2742AD1
893E0E2E-A134-4D12-A98B-9522CE728AB1
55130A8B-9C10-49CE-820E-9CEC65E58FF4
8601C7F4-EF2A-4C66-99B4-8920ECF13C06

—DHAMMAAD—-

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.