Home Afsomali Full VIDEO HD Musharax Madaxweyne Fowsiya yusuf Xaji oo kulan lagu taageeray...

Full VIDEO HD Musharax Madaxweyne Fowsiya yusuf Xaji oo kulan lagu taageeray la qaadatay qeybaha bulshada

Musharax madaxweyne Xildhibaan Fowsiya yuusuf Xaaji Adan oo kulan dhiiri galin taageero iyo isgarb istaag loogu muujinayey la qaadatay qeybaha kala duwan ee bulshada sida odoyaasha dhaqanka dhalinyarada haweenka iyo waxgarad kale oo munaasibada lagu casuumay ayaa u soo bandhigtay barnaamijkeeda iyo weliba qorsho howleydka .

Xubnihii kulanka ka qeybgalay oo goobta ka hadlay ayaa si isku mid ah tageero hiil leh ugu muujiyey Musharax madaxweyne Fowsiya Xaaji Adan waxaana dhamaantood Xildhibaankiisa iyo Xildhibaanada kae laga gole ugu baaqeen in codkooda siiyaan Musharax madaxweyne Xildhibaan Fowsiya yuusuf Xaaji Adan isla markaana fursadaan qaaliga ah aysan dayacin .

Guntii iyo gabagabadii Musharax madaxweyne Xildhibaan Fowsiya yuusuf Xaaji Adan oo kulanka soo xiirtay ayaa ku dheeraatay ka sheekeynta rajada ay ka qabto in ay dalkaan hogaamiso
Musharax madaxweyne Xildhibaan Fowsiya yuusuf Xaaji Adan oo ka mid ah 39ka musharax ee buuxiyey sharuudihii laga rabay ayaa hore dalka xilal kla duwan uga soo qabatay
sida raiisal wasaare ku xigeen wasiirka wasaarada arimaha dibada haatana ah Madaxweynaha Xisbiga NDP
ahna Gudoomiyaha dalada Hiigsi oo ay ku midaysan yihiin ilaa 11 Xisbi siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.