https://youtu.be/uitMSRH384A
Janeraal Abuukar Warsame Xuud oo siweyn uga soo horjeeda ha ka loo maray Dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle ee uu Madaxweynaha ka yahay Cali Guudlaawe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wada-hadal uu la galo dowladda Soomaaliya.
Janeraalka oo qeyb ka ahaa mas’uuliyiin Maanta Beledweyne kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka lugta Janeraal Biixi ayaa sheegay in Jaeraalka sababta uu u yimid ay tahay sidii xal looga gaari lahaa waxa ay ka cabanayaan dadka Reer Hiiraan.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay ka wada hadli doonaan sidii lagu heli lahaa xaqa ka maqan Reer Hiiraan iyo wadadii loo mari lahaa taasina ay tusayaan habkii loo mari lahaa Taliyaha Ciifanka dhulka ee xoogga dalka Janeraal Biixi.
Ugu dambeyn Janeraal Abuukar Warsame Xuud wuxuu sheegay in mas’uuliyiintii ay kala aragti duwanaayeen sida Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ay hadda heshiis ku yihiin in la wada helo xaqa ka maqan Bulshada kunool Gobolka Hiiraan.
Kulanka soo dhaweynta ah ee Janeraal Biixi ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Taliyaha weybta 27aad Janeraal Tareedisho iyo mas’uuliyiin kale.
https://youtu.be/4H5-JdHsVtg