Home Afsomali Full VIDEO Kenya oo lagu eedeeyey in gobolka Gado isgaarsiin la.aan dhigtay

Full VIDEO Kenya oo lagu eedeeyey in gobolka Gado isgaarsiin la.aan dhigtay

Shirkaan oo ahaa mid looga hadlayey dhibaatooyinka ay qabaan bulshada ku nool guud ahaan gobolka gado ee xaga isgaarsiin la.aanta ka dhalatay ka dib markii ay dowlada kenya burburisay xarumihii shirkada hormuud ay ku laheyd gayigaas

Odoyaal siyaasiyiin ganacsato bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa madasha ku kulomay waxayna si isku mid ah uga hadleen dhibaatada isgaarsiiin la.aanta heysata gobolka waxayna soo saareen qodobo iyo baaqyo iyo codsi ku aadan arintaan

waxgaradkii hadalada ka soo jeediyey ayaa si gaara uga mahadceliyey shirkada isgaarsiinta hormuud gargaarka iyo taakuleynta ay gaarsiiso gobolka gado xiliga ay dhacaan fatahaada iyo abaaraha waxayna ka codsadeen in ay dib u dhisto xarumihii ay gobolka ku laheyd sidoo kalana ay dowladu balanqaado amaanka xarumaha ay kenya caadeysatay burburintooda

duqeyda ka soo jeedo Goblka Gado ee hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha dalbada Baardheere Cabdulaahi Nuur Xana

nabadoon Maxamed Xaashi
nabadoon tawane Axmed Cabdi
Nabadoon Mxamed Xasan Xusen
Nabadoon Maxamed Muuse
Nabadoon Maxamed Deer
Nabadoon Axmed Farey
Nabadoon Ibraahim Axmed mKhaliif
Ganacsade Adan Xasan Nuur ( Burgal )
Iyo Masuuliyiin kale

ciidamada kenya ee aan AMISOM qeybta ka aheyn ayaa lagu eedeeyey in ay burburisay ilaa 11 xarumood ooay laheyd shirkada isgaarsiinta hormuud kuwaa oo 8 ka mid ah ay ku yaalaan gobolka Gado ee koofurta Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.