https://youtu.be/z_EXkZaSb-s
Luul Maxamed Sheekh “Waxaa socda boob hantiyeed oo ay wadaan Beesha Raysal Wasaare Roobl
Luul Maxamed Sheikh Cusmaan oo Shirjaraid ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa faahfaahisay hanti uga jirta Dhismaha Hotel Taleex ee Magaalada Muqdisho
Luul waxay sheegtay in dhismahaa ay galisay hanta gaareysa halmilyan oo doolar Xili ay ka aheyd maamulka hotelka dowladii hore ka kireysay mudo dheer balse iyada oo an ku nacfin maamulkii burburay hase yeeshee hantidii ay galisay weli muuqato sida ceelal biyoo wadooyin iyo dhismayaal kale
Waxayna cabashadeeda ku aadan dhul boo ka socda dhismaha hotel taleex si toos ah ugu dirtay Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisal wasaare Rooble waxayna
intaa ku dartay in gaashaanle dhexe Xusein sheikh uu la wareegay dhamaan dhismihii isla markaana ka kireystay ganacsato kana dhigtay Ceel biyoo iyo geerish halkii maqaayada ahedna ka dhigtay iskool