Home Afsomali Full VIDEO Mac-hadkii Culunta Badda iyo kaluumeysiga oo Madaxweyne Farmaajo iyo...

Full VIDEO Mac-hadkii Culunta Badda iyo kaluumeysiga oo Madaxweyne Farmaajo iyo RW Xasan Cali Kheyre Si Niyad ah loogu baaqay in ay dib u howlgaliyaa


Kulankaan oo ahaa mid watashi iyo sidii xirfadlayaasha howlaha maraakiibtu loo hor marin lahaa ayaa waxaa soo agaasimay Eng Bailot Cabduqaadir Maxamed Cabdi    oo hadda ka mid ah hagayaashaa markiibta ku soo xirata dakada weyn ee Magaalada Muqdisho

macalinkii barashada cilmiga  bada u bilabay loo sameeyey munaasibad  qado sharafed isla markaana ahaa ah  Eng gudoomiyihii Machadkii Culunta Badda iyo kaluumeysiga  ee la aasaasay ku  1971dii  cabdiraxmaan amiin Maxamed.

Waxaana ka soo qeybgakay kabtano wadayaasha markiibta  iyo saraakiil engeero xilal kala duwan dalka ka ahaaya

dhamaantood ka soo qalin jabiyeen mac-hadkii badda iyo howlaha kakuumeysiga uu aasaasay cabdiran amiin

Kulanka intii uu socday ayaa looga hadlay qaabkii ay wax ku soo barteen iyo sidii uu halkoodu ahaa

Eng Kabtan cabduqaadir maxamed cabdi iyo Engineero kale  faafaahiyey ujeedka kulanka wuxeyna si isku mid ah ugu u mahadceliyeen Macalinkii shaqada soo baray

Eng cabdiraxmaan amiin Maxamed Cabdow oo gunaanadkii madasha ka hadlay ayaa mahadcelin ka sokod madaxda Dowlada ugu baaqay in dib loo soo nooleeeyo Dugsigii culuunta badda iyo kaluumeysiga wuxuuna xusay in ay lagama maarmaan tahay maadaama dalku leeyahay xeeb aad u dheer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.