Home Afsomali Full VIDEO Madaxweynaha Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo $1,140,000*  (Hal malyan...

Full VIDEO Madaxweynaha Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo $1,140,000*  (Hal malyan Boqol iyo Afartan  kun USD).ku wareejiyay Guddiga Ganacsatada Fatahaada Beledweyne

Madaxweyne waare waanadiisa wax ku qaado waa wacneyde

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa munaasabad uu ku qabtay magaalada Beledweyne ku wareejiyay Guddiga Ganacsatada Fatahaada Beledweyne lacagtii loogu talo galay fatahaadda Beledweyne ee ka kala yimid Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Jibuuti,

Munaasabadda uu Madaxweynaha Hirshabeelle State ku wareejinayay lacagta ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Hirshabelle, qeybaha kale duwan ee Bulshada Beledweyne oo ay hormuud u ahaayeen dhallinyarada iyo odayaasha dhaqanka.

Waxa Guddiga lagu wareejiyay:-

1- $ 600,000 – ka timid Dowlada Jabuuti

2- $ 500,000 – Ka timid Dowlada Federaalka iyo

3- $ 40,000 – ka timid Gudiga Fatahaada ee heer Qaran

*Isugeyn Guud lacagtaas ayaa noqotay  $1,140,000*  (Hal malyan Boqol iyo Afartan  kun USD).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.