https://youtu.be/4GIzOXpmbCg
Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo deeq uu ugu talo talay Maxaabiista Xabsiga Beledweyne la gaarsiiyay halka qaarkoodna laga sii daayey Xabsiga iyada oo la raacayo wareegto cafis madaxweyne ah oo dhawaan ka soo baxday xafiiskiisa .
Deeqda la gaarsiiyay Maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Magaalada Beledweyne, ayaa isugu jirtay raashiin, xoolo, iyo dhar waxaana Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare uu ugu talo galay in ay looga farxiyo Maadaama maalmaha ciida lagu jiro.
Wasiirka Cadaalada Iyo Garsoorka Hirshabelle Cabdi Baar oo deeqdani ku wareejiyay Taliyaha Xabsiga Dhexe Ee Beledweyne ayaa sheegay in deeqdani ka timid Madaxweyne Waare uu ugu talo galay in maxaabiibta lagaga farxiyo, maadaama maalmihi ciida lagu jiro, waxaana Wasiirka Sidoo kale uu sheegay In Wasaaradda Caafimaadka Hirshabelle ay diyaarisay Dhaqaatiir la rabo in ay la socdaan caafimaadka maxaabiibta.