https://youtu.be/kEJ-2Lwib0g
Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay Maanta oo Khamiis ah xukuno ku riday laba Nin oo midi maqano yahay,kuwaas oo lagu eedeeyay i
nay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab.
Labada Nin ayaa waxaa lagu kala Magacabaa Mustaf Maxamed Xuseen iyo Maxamed Axmed Muumin oo maqane ah, waxaa loo heystaa inay ku lug lahaayeen gawaari lagu dhejiyay qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay burbur hantiyadeed.
Maxamed Axmed Muumin ayaa sigaar ah waxaa loogu eedeeyay in uu ahaa hagaha mustaf iyo maareeynta qoondada lacageed ee uu wax ku fulin jiray Mustaf Maxamed Xuseen, halka Mustaf oo horay Maxkamadda ugu riday Xukun Shan Sano ah oo uu soo dhameystay uu dib ugu laabtay howlihii uu u haayay Al-Shabaab.
Xeer ilaalinta Maxakamadda Ciidamada oo soo Eedeysay Mustaf Maxamed Xuseen ayaa loo heystaa in ilaa 8 Gaari uu miino ku xiray kuna qarxeen Magaalada Muqdisho, balse aysan geysan khasaaro nafeed.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in labada Nin lagu helay Eedeynta loo soo jeediyay,sidaas daraadeedna lagu xukumay Mustaf Maxamed Xuseen iyo Maxamed Axmed Muumin Xabsi daa’in.