Home Afsomali Full VIDEO Nuxurka Khudbadda Musharax Madaxweyne Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya..

Full VIDEO Nuxurka Khudbadda Musharax Madaxweyne Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya..

https://youtu.be/gWTI9Ig3u-0

Anigoo tixgelinaya codsiga shacabka Soomaaliyeed, waxaan go’aansaday in aan mar kale isu sharaxo xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Nuxurka Khudbadda Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya..

Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa jeediyay Khudbaddiisa ku aaddan doorashada iyo deddaalada dalka ka socdo waxa uuna ka hadlay Saddex qodob oo miisaan leh.

1. Madaxwayne Farmaajo ayaa marka hore u mahadceliyay labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna ku bogaadiyay howsha qaran ay hayaan iyo dardar galinta howlaha doorashooyinka madaxwaynaha Soomaaliya ee 15ka May.

2. Sidoo kale Madaxwayne Farmaajo ayaa sharraxaad ka bixiyay nuuca hoggaan ay Soomaaliya u baahan tahay waxa uuna tibaaxay in dalka u baahan yahay hoggaamiye aamin ah oo aan ku shaqayn sadbursi, Qabiil, Hanti lunsasho sidoo kalana ka madax bannaan Dowlada Shisheeye oo faa’ido ka raadiya dhibaatada ummadda Soomaaliyeed iyo Madaxweyne dareemi kara baahida shacabka iyo Ciidamada furimaha dagaalka ku jira iyo xaquuqda labada aqal.

3. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in Maalinka qiimaha badan ee 15ka May ay noqoto maalin ku astaysan micnaha iyo ujeedooyinkii ay u taagnaayeen Ururka SYL oo laga dhabeeyo halgankoodii inuu noqdo mid mira dhala.

4. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu shaaciyay inuu mar kale u tartamayo xilka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna intaa raacsiiyay inuu sii wadi doono guulihii 5tii sano ee la soo dhaafay ay ku tallaabsatay Dowladda uu hoggaamiyo.

Wuxuu labada aqal ka codsaday in ay codkooda siiyaan si ay si wada jir ah ugu horimariyaan dalkeenna iyo dadkeenna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.