Home Afsomali Full VIDEO Sanadkan 2020 waxaa hal ku dhig looga dhigay xuskaan naafanimada...

Full VIDEO Sanadkan 2020 waxaa hal ku dhig looga dhigay xuskaan naafanimada dhamaanteed ma ahan wax muuqda .

Munasabadan oo eheyd xuska malinta naafada aduuna oo ku asteysan 3 December maanta oo kale ayaa waxa kaso qeyb galey dhaman qeybaha kala duban ee
Urudada nafada
3 December waa maalinka caalamiga ah ee loo aqoonsaday in ay leeyihiin dadka naafada ah waxaana qaramada midoobe u asteysay maalinkan in lagu baraarugo arintaasi oo la siiyo taageerada ay u baahanyihiin dadka lixaadka dhantaalan.
Sida ay sheegtay heyada caafimaadka aduunka ee WHO 15 % dadka aduunka waxa ay la noolyihiin baahiyaha gaarka ama lixaadka aan dhameystirneyn.
Arintan ayaa ka dhigan in dad ka badan hal bilyan oo qof ay qabaan nooc naafada ka mid ah guud ahaan aduunka.
450 malyuun oo dadkaasi ka mid ah waxaa la sheegay in ay qabaan xanuunada dhimirka .

Sida warbixinta lagu sheegay 69 malyuun oo qof ayaa waxaa sanad kasta ku dhaca xanuun ka dhashay jug ama dhaawaca maskaxda ka gaaray kaas oo qofka qal qal galiya.

Sahan ay WHO ka qaaday 130 dal ayaa lagu sheegay in ay kordheen dadka xanuunada qalqalka maskaxda qaba sanadkan 2020
Ugu Horen Waxa halkas hadalo kaso jediyey qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaar ka ah qaba waxaynasheegeen in madaxweynaha Somalia Mohammed abduulahi farmajo uu saxiixay sharciga nafada Qaranka Somalia ayna dhaman ay meel mariyeen lada gole ee barlamanka

Ugu danbeyn waxa kulankas laga soo saarey war murtideyd uu saxafada u aqriyey Abdullahi xasan xusen gudomiyaha tubta naafada Somalia
Sanadkan 2020 waxaa hal ku dhig looga dhigay xuskaan naafanimada dhamaanteed ma ahan wax muuqda .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.