Home Afsomali Full VIDEO Taliska bolice ka oo digniin ka soo saaray internetka talephonada...

Full VIDEO Taliska bolice ka oo digniin ka soo saaray internetka talephonada iyo adeega guud ee korontada

somalisan Taliska bolice ka oo digniin ka soo saaray internetka talephonada iyo adeega guud ee korpntada i

Taliska bolice ka ayaa digniin ka soo saaray dabar go. Ku socdo lana waayi doono isgaarsiinta telephonada  iyo guud ahaan adeega korontada

Taliyaha hogaanka Canshuuraha Beriga ee Ciidanka Bolice ka Somaliyeed Generaal Cabdulaahi Xasan Bariise oo gudaha dakada weyne ee Muqdisho warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in dalka aan laga dhoofin Karin bir kasta oo maar ah dalkanewax u tareysa .

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in u guud ahaa gudaha dakada Muqdisho la geeyey Ciidamo baaraya goobaha wax laga dhoofiyo cidii lagu arkana xarig ay ku mudan doonto

Taliyaha ayaa kormeer howleyd ku soo maray goobo badan oo laga dhoofinayey biraha duugaa iskaraabka

Shirkiisa jaraid ayuu ku sheegay in uu ku saabsan yahay qolooyinka dhoofiya biraha duudaa oo aan kala soocon kuwooda dhaqan baxa ah iyo kuwa dalka wax u taraya

Dhanka kale taliyuhu wuxuu xusay in walaac Xoogan ay  ka jirto dhamaan shuirkadaha isgaarsiinta dalka iyo sidoo kale kuwa korontada kuwaasoo mudo ku howlanaa dib u dhiska dalka ayna soo celiyaan adeegii guud ee qalabka fiilooyinka dhulka hoostiisa la galiyo

General bariisa ayaa sheegay in  ay soo ifbaxeen kooxo  waxma garato faganaya fiilooyinka maarta sida isgaarsiinta iyo korontada kuna Daraya biraha duuga iskaraabka ee sida fudud dalka looga dhoofiyo

Taliyaha ayaa sheegay in amaro isdaba joog ah uga yimaadeen wasaarada ganacsiga iyo wasaarada Amniga iyo heyadaha kale oo ay quseyso kuwaas oo lagu joojinayo dhoofinta biraha maarta ah ee loo isticmaalo adeegyada karontada iyo isgaarsiinta wuxuuna amray maamulka dakada iyo heya.adaha amaanka in laga bilaabo xiliga uu hadalka jeedinayey ciidii lagu qabto iyada oo qodeysa ama iibineysa in talaabo sharci ah laga qaadi doono oo arintooda waafaqsan .

Saacadaan laga bilaabo waxaa joojinta dhoofinta biraha maarta ah waxaana loo xilsaaray ciidamo gooni ah kuwaas oo meel kasta uga daba tagaya cidii isku dayda in ay dhoofiso biraha marta ah .

hirka jaraaid ayaa waxaa joobjoogayaal ka ahaa ku xigeenka Xafiiska Xeer ilaaliyaha qaranka qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta dakada

wuxuuna ugu baaqay bulshada soomalaiyeed in ay hantidooda ilaashadaan oo aysan dayicin sidii horey u dhacday 1991kii oo kale

qalabkaa dhoofintiisa la joojiyey ayaa hadii la waayo waxaa goa.ayo dhamaan isgaarsiinta sida taleephonada internetka iyo adeega guud ee korontada

Wuxuuna hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in shirkadaha ku shaqeeya yihiin adeegayaal bulshada inteeda kalae ay yihiin milkiilayaashii laga rabey in ay hantidooda ilaashadaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.