Home Afsomali Full VIDEO Turkiga oo Dowladda Soomaaliya ku wareejiyay Gaadiid Gaashaaman oo aan...

Full VIDEO Turkiga oo Dowladda Soomaaliya ku wareejiyay Gaadiid Gaashaaman oo aan xabadu Karin

https://youtu.be/Z3CU0YmD3Gg

Turkiga oo Dowladda Soomaaliya ku wareejiyay Gaadiid Gaashaaman oo aan xabadu Karin

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Xoogga Dalka ayaa dowladda turkiga waxaa ay ku wareejisay Gaadiid dagaal iyo Agab kale.

 

Gaadiidkaan oo ah nooca Gaashaan ee aan xabadugu Karin ayaa waxaa loogu talo galay inay ku howlgalaan Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee Gorgor, kuwaas oo dagaal adag kula jira dagaalyahanada Al-Shabaab.

 

Munaasabadda wareejinta ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan  Wasaaradda Gaashandhigga iyo taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Xooga odowaa tuusuf raage ayaa dowladda turkiga uga mahad celiyay gaadiidkaan lagu wareejiyay.

 

Mas’uuliyiinta ka socday dowladda Turkiga ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in Gaadiidkaan loogu talo galay inay ku Shaqeeyan Ciidanka Kumaandooska Gorgor, isla markaana uga qyeb qaataan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Safiirka Dowladda Turkiga mahmal yamaas ayaa Sheegay in dowladiisu ka mid yahau tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana ay u tababartay Ciidamo farabadan, sidoo kale dhowr jeer ay siisay Soomaaliya Gaaadiid iyo hub farabadam.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.