Home Afsomali Full VIDEO Wanted Qaarka mid ah Shaqaalaha Dakada Muqdisho

Full VIDEO Wanted Qaarka mid ah Shaqaalaha Dakada Muqdisho

Qaar ka mid ah shaqaalaha Muruqmaalka ee dakada caalmiga ah ee Magaalada Muqdisho ayaa cabasho xogan ka muujiyey shirka maamusha dakamada Muqdisho ee labeyrakh  oo ay ku eedeeyeen shaqo joojin iyo in ay sawiradooda albaabka hore lagu dhajiyey sida iyaga oo ah wanted dad la raadinayo .

Dhaliyadaan ka xoogsanayey dakada ayaa banaanbax nabadeed ka dhigay magaalada Muqdisho kuwaas oo ugu danbeyntii saxaafada u sheegay in ay aad ugu xunyihiin falalka shirkadu kula kacday iyo xooga loo adegsaday oo ugu danbeyntii sababatay in shaqooyinkii laga eryey.

shaqaalihii howlahoodi laga ruqseeyey isla markaana sawiradooda oo lagu dhajiyey albaabka loona diiday in ay gudaha u galaan dakada .

Niman soomaaliyeed ayaa na gatay oo dhiigeenii iyo dhacaankeenii isku dhuuqayo ee dowladu hanaga qabato ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha ka cabanayey shaqo ka eryid iyo sawiradooda oo albaalka la dhigay sidii wanted ama qof ka raadinayo bolice-kana lagu amray in aanay dib danbe dakada gudaheeda lagu arki Karin

Shaqaalaha ayaa ahaa kuwo shaqada uga horeeyey shirkada albeyrakh intii aan dakada lagu wareejin waxayna madaxda sare ee dowlada ugu baaqeen in xaaladooda wax laga qabto

Qaarka mid ah maamulka cabashadu ku socotay oo aan qadka talephonka ku xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay arintaan ka hadlaan.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.