Home Afsomali Fuul VIDEO Banaanbax Ay soo qaban qaabiyeen haweenka Soomaaliya ayaa ka dhacay...

Fuul VIDEO Banaanbax Ay soo qaban qaabiyeen haweenka Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho

Ku madaxweynaha jamhuuriyada fadaralka Somalia
Ku madaxda dowladgoboleyada ee puntland jubbaland galmudug hoofer galbeyd iyo hirshabelle
Shir jaraid
Waxaan fariin halkaan uga direynaa madaxda Soomaaliyeed ee ku shireysacaasimada dalka ee Muqdisho
Anaga oo ah haweenka soomaliyeed .xisbiyada dunno kala socdalabada aqal ee baarlamaanka iyo dhalinyarada somaliyeed .
Waxaan idin weydiinaynaa

Ma ka warqabtaan dhibaatada dadka soomaaliyeed heysata meel ay joogaanba? Mase ogtihiin mudadii aad ku jirteen shirarka kala. Duwan ee isdaba jooga ah ee aad kala tashaneyseen doorashooyinka dalka lagu qaban doono,inta la dilay ama inta burbur iyo barakac ummadda soomaaliyeed soo gaaray.

Mala socotaan mudadaas inta kheyraad dalku leeyahay la boobay .
Ma ogtihiin waxa somali ku silceysa dunida dacaladeeda ?
Mala socotaan I somaliya noqotay tilmaanta aduunka ugu xun ee la isku tilmaamo ? Ee musuqmaasuqa leh ee dad aan dowladnimo rabin ama u qalmin in aynu nahay?

Madaxda dowlada fadaraalka ah iyo madaxda dowlada goboleyada waxaanu rabnaa in aad dhagihiina na siisaan.

Waxaan jabineysaan dastuurkii.sharciyadii baarlamaanku iyo golaha wasiiradau ansixiyeen ee doorashooyinka .axsaabta kii lagu. Ansixiyey gudiga doorashooyinka iyo dhamaan heshisyadii aad wada saxiixdeen ee kala duwanaa ee nooca doorashooyinka .
Waxaa waajib idinku ah masuuliyada idin saaran ee aad u dhaarateen inaad u fulisaan sidii la idinkaga sugaayey.

Waxaa kale oo la idinka rabaa in aad hortabinta koowaad ee dowladnimo ka dhigtaan nabadgalyo .hore u Marin tacliimeyd .mid caafimaad iyo mid shaqo
Shaqanka soomaaliyeed wuxuu idinka sugayaa in aad dhowrtaan dastuurkaoo ah heshiis bulsho .bulshadune waa anagana waa haweenka .dhalinyarada .wakiilada u fadhiya labadaaqal ee baarlamaanka iyo asxaabta qaran.

1 Waxaanu halkaan ka cadeyneynaa in aan rabno in ay doorashadani noqoto mid for ah oo xalaal ah .oo ah qof iyo codkiisa koobaad
2 waxaanu. Diidan nahay 4.5 doorasho dadban iyo qabiil wax. lagu qeybiyo
3 waxaanu rabnaa cadaalad uu dastuurku siiyey qof kasta oo muwaadin ah
4 waxaanu ku kalsoon nahay nidaamka asxaabta badan ee shanta sanadood la soo diyaari ayey
5 ma rabno somali lagu kala qeybiyo qabiil aan weli cadaalad aheyn

6 waqtiga aad galiseen doodadaha waxaa ka baboon dadka iyo dalka hore u Marisa
Kifaaykifaaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.