Home Afsomali Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada oo go,aan ka qaadatay diyaaradaha aan badqabkooda...

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada oo go,aan ka qaadatay diyaaradaha aan badqabkooda la isku haleyn karin iyo krnya oo joojisay

Wasiir Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aaney ogolaaneynin in garoomadeeda ay isaga tagaan diyaarado aan badqabkooda la isku haleyn karin.

 

Waxaa uu sheegay inay dhiseen Guddi baara shirkadaha diyaaradaha ee duulimaadyada tooska ah sameeya, kuwaasoo uu sheegay iney leeyihiin go’aamada lagu joojinayo shirkadaha aan la isku haleyn karin Tayadooda.

 

“Diyaaradaha shakiga ku jiro inay duulaan idinka ayaa Khubaradii ah, idinka ayaa la idin dhaafayaa, shuuruucdii waad heysataan diyaarada aad aragtiin in aysan Istaahilin inay duusho ee hore loo fasixi jiray ma dhaceyso maanta wixii ka bilowdo, ma jirto qof sharciga ka sareeyo” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

 

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iney mas’uuliyadeeda qaadaneyso qofkii wax ku noqdo diyaaradaha dalka ka dhoofa, marka Baaritaanka la sameeyo kaddib.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddigan loo xil saaray inay la socdaan tayada iyo Badqabka Diyaaradaha Soomaaliya ka dhoofa ama soo ka daga looga baahanyahay iney u cadaalad falaan Ganacsatada Diyaaradaha.

 

Si kastaba, hadalka Wasiir Oomaar ayaa ku soo beegmaya, iyadoo muddooyinkan ay taagneyd muran u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Shirkadaha duulimaadyada oo ku saabsanaa arrimaha xajka, iyadoo laga cabsi qabo in xajka sanadkan uu dib u dhaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.