Home Afsomali Gacanta ayaa lugu dhigay Cunsurigii hogaaminayey kooxdii dadka ku xasuuqay labada Masjid

Gacanta ayaa lugu dhigay Cunsurigii hogaaminayey kooxdii dadka ku xasuuqay labada Masjid

Waxaa yaab lahayd in ninkan uu si toos ah Facebook uga baahinayey xilligii uu weerarku ka waday masjidka Al-noor, dadkana lagu leynayay halkaasi, inkastoo markii danbe ay shirkadda Facebook ka saartay Video-ga boggiisana la xiray.

Waxaa kale la yaab laheyd intii weerarku socday ee uu sida tooska ah Facebook uga tebinayey falkiisa inay rasaastii ka dhammaatay oo uu gaarigiisa u soo laabtay, kadibna uu rasaas kale ka qaatay gaarigiisa isagoo dib u bilaabay inuu laayo dadkii masjidka ku jiray oo qaar badan oo ka mida ay daadsanayeen dhulka yaalleen.

Ninka weerarka geystay Brenton Tarrant ayaa qoraalkiisa dheer ee ka kooban 73 bog ku sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda xag-jirka midigta fog ee cadddaanka, isagoo taageeray Madaxweynaha Mareykanka Donalnd Trump.

Ninkan ayaa dilay 49 qof oo salaadii jimcaha ku jiray, waxaana dhaawac ah ilaa 40 kale oo qaar ka mida ay xaaladoodu ay liidato, waxaana weerarkan uu noqday kii ugu weynaa ee ka dhaca dalka New Zealand oo aan looga baran weerarada noocan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.