Home Afsomali Galgaduud “Dagaal qabiileyd guryo la isaga gubayo oo ku soo noqnoqday

Galgaduud “Dagaal qabiileyd guryo la isaga gubayo oo ku soo noqnoqday

Maleeshiyaad hubeysan ayaa weeraray degaanka Jiicle oo dhanka bari ka xiga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo gubay Guryo iyo Barkado Biyaha laga cabo oo kuyaalla degaankaas.

Maleeshiyaadka falkan geystay ayaa degaanka Jiicle ku tegay si dhuumaaleysi ah, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in arrintaan salka ku heeyso dagaal Beeleedyo dhawaan ka dhacay degaano hoostaga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Qaar kamid ah dadka degaanka Jiicle ayaa waxaa ay sheegeen inay dareemayaan cabsi xoogan oo ku aadan in markale maleeshiyaadka hubeysan ay soo weeraraan ayna dhibaateeyaan, waxaana ay ka codsadeen inay wax ka qabtaan.

Madaxda Maamulka Galmudug ayaa ka aamusan Colaad beeleedyada ka taagan degaannada hoostaga degmada Balanballe, colaadaas oo ah mid in badan soo laab laabatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.