Home Afsomali Galmudug oo ku dhawaaqday inay tallaabo ka qaadeysa dadka wada jarista dhirta

Galmudug oo ku dhawaaqday inay tallaabo ka qaadeysa dadka wada jarista dhirta

 

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Axmed Xuseen Shire Bukhaari ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka hortegi doonaan cid kasta oo isku dayeysa inay degaannada Gobolka Mudug ka xaalufiso dhirta.

Guddoomiyaha oo hadal ka jedinayay munaasabad lagu aleemo saarayay Maamulka degaanka Laanwaalay ee Gobolka Mudug ayaa dadka degaanka ugu baaqay inay iska qabtaan ama maamulka kusoo wargeliyeen dadka wada Jarista Dhirta, qodista Barkadaha tiro beelka ah.

Wuxuu guddoomiyaha hadalkiisa uu intaasi kudaray in cid kasta oo lagu arko inay ku howlan tahay jarista dhirta laamaha Amniga ay a qaadi doonaan tallaabo sharci ah, isla markaana xaalufinta dhirta aan la aqbali doonin.

Hadalkan kasoo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Axmed Xuseen Shire Bukhaari ayaa kusoo aadaya xilli Galmudug dhowr jeer ay go’aano kasoo saartay jarista Dhirta balse o;aanadaas aysan dhaqan gelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.