Gudiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaciyay Gudiga soo xulaya Ergada ee afar kursi oo dhawaan ay shaciyeen Gudiga Doorashada Galmudug kuwaa oo ay kamid yihiin Nabadoono iyo Bulshada Rayidka.
Guraasta ay shaciyeen Gudiga Doorashada Galmudug ayaa kala ah HOP248 HOP064 HOP089 HOP096 Waxaana mid kamid ah kuraastaasi ku tartamaya haween.
kuraasta Tirsigoodu yahay Hop-007 HOP-071 Hop-061 ayaa dib loo dhigay shacinta ergadda dooraneeyso kuraastaasi, waxa ayna afartaani kursi ka mid ahaayeen 7 kursi oo dhawaan la shaaciyay.
Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa gaar ahaan todobaadkaan dhamaadkiisa in qabto Doorashada afarta kursi ee haatan la shaciyay.