Home Afsomali Ganacsade guriigiisa lagu dilay goordhow

Ganacsade guriigiisa lagu dilay goordhow

Kooxo hubeysan ayaa Maanta Magalada Muqdisho waxa ay ku dileen Nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade,iyaga oo dilka kadib baxasaday.

Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Cismaan Afrax oo loo yaqaano (Cabdi Biifane),waxana la sheegay in dadkii dilka geystay ay ugu tageen Hoygiisa oo ku yaalla Agagaarka ex-koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah eheladiisa ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Xilli uu ka soo baxayay Gurigiisa rag hubeysan ay rasaaseeyeen,isla markaana ay dilka kadib ka qaateen Gaari Prado ah oo uu watay,waxaana rasaasta lagu furay ku dhaawacantay Gabar uu dhalay oo guriga ku sugneyd.

Cabdi Cismaan Afrax oo loo yaqaano (Cabdi Biifane) ayaa sida Eheladiisa ay sheegeen waxa uu ahaa Ganacsatada soo dejisa Gawaarida,hayeeshee aysan garan Karin sababta loo dilay iyo dadka ka dambeeyay dilkiisa ma sahlana in ganacsade gurigiisa loogu tago ee la dilo

Ciidamo ka torsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa tegay Goobta dilka ka dhacay wallow dadkii dilka geystay ay ku baxsadeen Gaariga uu lahaa Ganacsadaha la dilay.

dhanka kale Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay Ganacsade ku dileen gudaha  Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray  Shaafici Cabdullaahi Qarshe.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoona halkaasi ay gaareen dilka kadib ciidamada amaanka ee Magaalada Boosaaso, iyagoona halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada amaanka ee Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri.

Magaaalada Boosaaso ayaa waxaa ka mid tahay meelaha inta badan ay ka dhacaan dilalka qorsheysan oo ay geystaan koox hubeysan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.