Home Afsomali VIDEO Ganacsade ka badbaaday qarax miino oo gaarigiisa loogu dhajiyey

VIDEO Ganacsade ka badbaaday qarax miino oo gaarigiisa loogu dhajiyey

Gari Qarax lagu xir

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa baahisay muuqaalka gaari miino ay ku xidhneyd oo ku qarxay wadada mashquulka badan ee maka Almukarama.

.Taliyaha Qeybta Guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa u sheegay wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA in qarax ka dhacay meel u dhow saldhiga degmada waaberi ee gobolka Banaadir aanu geysan wax qasaaro ah.

Taliyaha ayaa sheegay in qaraxa lala damacsanaa ganacsade lagu magacaabo Xuseen Jaamici oo gaarigiisa lagu soo xiray, balse qaruxu uu dhacay markii gaariga uu ka dagay ganacsadahaasi.

Waxaa jira dhaawac fudud oo ganacsadaha soo gaaray, sidoo kalena wiil caseeye ama baalashle ah ayaa isna dhaawac uu kasoo gaaray qaraxaasi.

Xaalada halkii uu qaraxa ka dhacay ayaa iminka dagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.